Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowladii labaad oo shaqada ka joojisay dayuurada Boeing 737 Max-8

Dowlada Shiinaha ayaa goor dhow shaacisay iney joojisay illaa amar dambe isticmaalka dayuuradaha rakaabka ee Boeing 737 Max-8 ka dib markii Diyaarad la nooc aheyd oo  lahayd Itoobiya ay shalay burburtay.

Wakaladda Duullimaadyada dalka Shiinaha ayaa shirkadaha caalamka u sheegtay iney diyaaradahaasi duullimaad ku iman Karin dalkeeda laga billaabo maanta.

Lixdi bilood ee la soo dhaafay waa shilki diyaaradeed ee labaad ee ku yimaadda diyaaradda boeing uu noocedu yahay 737 Max 8.

Khubarada duullimaadka ee ku howlan baaritaanka shilkan waxa sbabay waxay sheegeen iney wakhti qaadaneyso in la ogaado sababta shilka uu ka dhashay.

Bishii October ee sanadkii hore diyaarad noocan ah oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Lion oo burburtay waxaa ku dhintay 189 qof.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay leedahay 5 diyaaradood oo nooca Boeing 737 Max-8 dhammaantood shaqada laga joojiyey ka dib markii shaki laga muujiyey bad-qabka dayuuradaahaas.

Dhinaca kale, Baaritaan xoog leh ayaa ka socda goobtii ay ku burburtay dayuuradii Ethiopian Airlines ee duleedka magaalada Addis ababa si loo helo sanduuqa madow ee dayuuradaas oo laga heli karo xog horseedeysa sababta keentay shilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowladda oo weerar ku qaaday guriga Xildhibaan Xaadoole iyo dagaal socda

Cabdi Cade

Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gantaal lala helay Gaari marayay Deegaan ku dhaw Ow-Dheegle

admin
Taboola Ads ---