Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in maanta wixii ka danbeeya dhulkii Ciidanka Badda ee Mariino oo dad gaar ah ay dhisteen lagu soo celiyo gacanta Dowladda.
Eng Yarisow oo saaka shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in markii uu arkay baahida deg dega ah ee loo qabo in safaaradaha iyo diblumaasiyiinta loo asteeyo goobo ay ku howlgallaan uu soo saaray Xeer dadka degan looga saarayo Xaruntii Ciidamada Badda iyo Guriga taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliya oo ku yaalla xeebta degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.
“Waxaa lagu wargelinayaa cid kasta oo ay khuseyso in Xaruntii ciidamada Badda iyo Guryihii Taliyaha ciidanka Badda oo loo asteeyay goobo ama degaan diblumaasi in la baneeyo, dhulkaas wuxuu markii hore ahaa dhul dowladeed, qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in caasimadda ay la tartanto caasimadaha Caalamka, waxana dib lagala noqday dadkii dukumuntiyada u heystay maadama uu ahaa dhul dowladeed” ayuu yiri Egm Yariisow.
Waxa uu sheegay in cid allaala cidii amarkaan jebisay ama diida tallaabo sharci ah laga qaadi doono, waxana uu sheegay in Xarumahaas ay Guryo waaweyn oo dabaqyo ah ay ka dhisteen Saraakiil horey uga tirsanaa ciidamada xoogga Soomaaliya.
“Waa nasiib daro in rag saraakiil ah oo dalka u soo shaqeeyey iska dhistaan dhulka danta guud, iyagoo kaliya ka fekeraya danahooda gaarka ah” ayuu yiri duqa Muqdisho.
Arintan ayaa ku soo aadeysa xili maamulka gobolka banaadir uu ku fashilmay fulinta amar horey uga soo baxay oo ahaa in la burburiyo dhismayaasha laga sameystay jardiinooyinka iyo dhulka ay dowladu leedahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho. iyadoo la isweydiinayo sida uu amarkan dambe u fulin karo maamulka maadaama kii horeba aan miiska laga qaadin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com