Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska ay degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ku qabteen nin ku lebistay Dharka Dumarka oo laga shakiyey.
Ninkan oo dadka degaanka ay ka shakiyeen ayaa ku wargeliyay ciidamada xilli uu dhex marayey Xaafadda Godey ee degmada Karaan.
Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in ninka la soo qabtay lagu wareejiyay Hey’adda dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID.
Ninka la qabtay ayaa xirnaa Xijaab Madow ah, Cabaayad Madow iyo Indha shareer ayaa Wararka qaarkood waxay sheegayaan in looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay ragga meelaha ay weerarayaan u sahmiya kooxaha Al-shabaab ama Daacish sida laga soo xigtay saraakiisha amniga qaarkood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com