Allbanaadir.com
NEWS

Saldhig Al-shabaab ku laheyd gobolka Gedo oo la burburiyey iyo saraakiil faahfaahin ka bixiyey

Taliyeyaasha Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay in Ciidanka Xoogga ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoostaga degmooyinka gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac ayaa sheegay in howlgaladan ay si gaar ah uga dhaceen degmooyinka Baardheere, Buur-dhuubo iyo goobo kale.

Wuxuu sheegay Taliye Faarax oo la hadlay warbaahinta dowladda in ciidamada ay burburiyeen Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Jungal oo 30-km u jira magaalada Baardheere.

Sidoo kale, Faarax Maxamed Turbac ayaa sheegay inay howlgalladan iska kaashadeen Ciidamada dowladda, kuwa Maamulka Jubbaland iyo AMISOM, ujeedkooduna yahay sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa koonfurta iyo bartamaha dalka waxay ka wadaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo degaannada ay ku sugan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada New Zealand oo go’aan cusub ka qaadatay heysashada hubka

Caydiid Ali

UNSOM oo dhaqaale ugu deeqday dadka ku barakacay fatahaadaha Somalia ka dhacay

Caydiid Ali

Burcad hubeesan iyo mooto ay adeegsanayeen oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---