Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay in Ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya hadii…

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidankiisa qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya uu guud ahaan la baxayo hadii la isku dayo in la dhimo ciidankiisa.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in Qaramada Midoobay kala hadlay qorshaha la doonayo in lagu dhimo ciidanka AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya kala baxayo ciidanka ka jooga oo gaaraya  6,400, hadii la isku dayo in xitaa hal askari oo kamid ah la saaro.

”Waxa ay noo soo bandhigeen golaha amaanka in aan dhino ciidankeena jooga Soomaaliya, waxaana u cadeeyay in ciidankeena wada joogaan Soomaaliya ama laga soo wada saarayo” Ayuu yiri Madaxweyne Musevani.

Dowlada Brundi ayaa horey uga biyo diiday qorshaha lagu dhimayo ciidanka ka jooga Soomaaliya, waxaana ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga dhaqaalo badan ka hela dadlka ciidamada usoo diray ee ku jiraan Uganda ,Brundi iyo Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal heyn ka dhalatay Xayiraada Dowlada soo rogtay iyo Banaan baxa mucaaradka

Cabdi Cade

Soomaaliya oo dib u hanatay Xaquuqdeedii Baahinta Dayax gacmeedka Isgaarsiinta (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamad kutaalla dalka Kenya oo go’aan kasoo saartay Ciidamo oo loo diri lahaa dalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---