Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye cusub Gobolka Shabeellaha hoose
Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Ibrahim Aadan Najax, kaasoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaasi Maxamed Ibraahim Barre.
Najax oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, waana markii labaad ee xilkaas loo magacaabo
Hoos ka akhriso wareegtada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com