Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilhan Omar oo mar kale Dood iyo caro ka abuurtay gudaha Mareykanka kadib markii ay ….

Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congresska dalka Mareykanka ayaa mar kale dood iyo caro ka dhax abuurtay Xisbiga ay katirsan tahay ee Dimuquraadiga iyo sidoo kale guud ahaan dalka Mareykanka.

Wareysi ay siisay Ilhan Cumar Wargeyska Politico magazine ayey weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Obama oo sidoo kale katirsan Xisbiga ay Ilhan ku jirto ee Dimuquraadiga.

Ilhan ayaa ku sifeesay Brack Obama dilaa hadana dhoola cadeeya, waxa ayna tilmaantay in ay kala duwan yihiin ficilada uu ku dhaqmayo iyo sidoo kale muuqaalka wajigiisa laga dheehan karo.

Gabadhan asalkeeda Soomaaliga yahay ayaa hadalkan ka dhawaajisay xili ay is bar bar dhig ku sameeneysay maamulka hada taliya ee Madaxweyne Trump iyo maamulkii hore ee Brack Obama.

Hadalkan kasoo yeeray Ilhan Omar ayaa mar kale dood ka dhax abuuray gudaha xisbiga Dimuquraadiga  ay kawada tirsan yihiin iyada iyo Brack Obama , waxa ayna xubnaha xisbiga qaar ku tilmaameen hadalkan mid caadi ah halka kuwa kalana ka caroodeen.

Ilhan Omar oo mudooyinkan heesatay warbaahinta Mareykanka iyo mida caalamka ayaa mar kale la hadal hayaa hadalkan cusub ee kasoo yeeray, waxaana horey loo hadal hayay weerarkii ay ku qaaday Trump iyo Hay’ad taageerta maamulka Yahuuda ee Isra’il.

Dad badan oo Mareykan ah oo taageersan Madaxweyne hore ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa si weyn uga carooday hadalka kasoo yeeray Ilhan , waxa ayna dadka qaar ku tilmaameen hadalkaasi mid meel ka dhac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo kormeeray Xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

RW Khayre oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada oo loo xiray xatooyo xoolo dadweyne (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---