Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta oo kashifay sababta xilka looga qaaday

Taliyihii ciidanka asluubta Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Xuseen Xasan Cusmaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay dhowaan.

Waxaa uu sheegay inuu daalay shaqo fara badan oo uu qabtay awgeed sidaas awgeedna uu isagu dalbaday in xilka laga wareejiyo si uu nasasho u helo.

Hadalkan ayuu taliyuhu ka sheegay munaasabada lagu xusay 48-guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho.

“Runtii xilka qaadistii leygu sameeyay madaxda dalka wax eed ah kuma laha waayo aniga ayaa dalbaday, waan daalay oo waan daalay, sidaas ayaan xilka uga degayaa haddana waxaana diyaar u ahay inaan xilka baneeyo oo taliyaha cusub ku wareejiyo” ayuu yiri taliye Xuseen Xasan Cusmaan.

Taliyaha cusub ayuu u rajeeyey inuu xilkiisa ILAAHAY la garab galo, wuxuuna balan-qaaday inuu la shaqeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qaaday tallaabo deg deg ah kormeerna ku tagay xarunta NISA (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Olole xoogan oo Caawa socda

Cabdi Cade

Shiikh Kabo-kutukade oo eedeyn yaab leh u jeediyey Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---