Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqday xarunta lagu Tababaro Ciidanka Militariga Soomaaliya oo ay Turkigu ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.
Wafdiga raiisul Wasaare ku-xigeenka Turkiga oo ay wehliyeen dhigiisa Somalia Mahdi Maxamed Guuleed mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Xildhibaano iyo Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker ayaa booqday saldhigga Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaallo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.
Mas’uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay, iyagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalka oo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.
Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Raisil wasaare ku-xigeenada Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo siweyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa sheegay in u jeedada socdaalkooda Soomaaliya uu yahay sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyadii labada Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ay ku soo kala saxiixdeen Ankara ee la xiriiray hirgelinta mashaariic isugu jirta horumarinta dhismaha hey’adaha dowladda, kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Taakuleynta iyo dib u dhiska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale labada Ra’isiul wasaare ku xigeen ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay wadada xiriirisa Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xerada tababarrada ciidanka ee Turky-som, halkaas oo laga dhisi doono waddo laammi casri ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com