Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Qaraxyo loo diyaariyey Beladweyne oo la sheegay in la fashiliyey (Daawo Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Qaybta 27aad ayaa la sheegay iney fashiliyeen isku day lagu diyaarinayay qaraxyo ka dhaca magaalada Belad-weyne ka dib howl ay ka sameeyeen magaalada.

Qoraal caawa ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ayaa lagu sheegay in Ciidamadu galeen Guri ku yaala Xaafada HowlWadaag ee Magaalada Baladweyne Halkaasoo laga soo saarey Qoray AK-47 ah iyo Qalab kale oo loo adeegsan lahaa Qaraxyo.

“Ciidamada ayaa Toogtey shaqsigii Gurigaasi Daganaa oo lagu Qabtey isagoo Miino aasaya in muddo ahna isku dayay inuu iska caabin sameeyo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ninkan ayaa horay loogu tuhmayay inuu ka dambeeyey dil loo gestay maalmo ko hor sargaal ka tirsanaa Qaybta 27aad sida uu Sheegay Taliyaha Guutada 5aad qaybta 27aad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho oo shaaciyey tirada dadka ku dhintay & guryaha ku burburay Roobabka

Caydiid Ali

Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Jubba (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay qalab casri ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Martiini

Caydiid Ali
Taboola Ads ---