Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xukuumadda Somalia oo bilowday daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka (Daawo Sawirro)

-Mas’uuliyiinta madaxda ka ah Tubaha qaranka iyo hawl-wadeenno kale oo uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka golaha wasiirrada Koonfur Galbeed.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan, iyada oo si qota dheer looga dooday hannaanka wasaarad waliba ay uga qaadan karto qaybta uga aadan.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa kulanka kadib sheegay in muhiimadda shirku ay ahayd in golaha wasiirrada Koonfur Galbeed xog laga siiyo tubaha qaranka si ay qaybtooda uga qaataan, isaga oo cadeeyay in dhammaan dawlad gobaleedyada xunbaha ka ah dawladda federaalka laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka.

Howlaha xukuumadda ayaa lagu saleeyay afarta Tuboood ee kala ah Tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo cadaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo xilka ka qaadis iyo magacaabis sameeyay (Wareegto)

Cabdi Cade

Maraykanka: ” Waxaan xoojinaynaa garabka aan DF ku siino dagaalka argagixisada”

Caydiid Ali

Xaalad adag oo soo wajahday Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalka Sri-lanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---