Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ilaalada Gaarka ah ee Ra’isul Wasaare Kheyre oo la geeyay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa gaaray Wafdi horu dhac u ah Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in magaaladaasi gaaro.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa maanta ka degtay diyaar gaar ah ay la socdeen xubno katirsan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo sidoo kale ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Ra’isul Wasaare Kheyre.

Ilaalada Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ahaa kuwa aad u hubeesan, waxaana lagu wareejiyay gaadiid dagaal oo ay adeegsan doonaan inta uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya safarka ku joogo magaalada Kismaayo.

Safarka uu ku tagayo magaalada Kismaayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili in mudo ah uu xumaa xiriirka dowlada federaalka iyo Maamulka Jubbaland balse dhawaan wadahadalo hoose oo dhacay labada dhinac isku soo dhawaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaare naxdin leh oo ka dhashay dab qabsaday guri ku yaalla Magaalada Jigjiga

Caydiid Ali

Duuliyaashii Ruushka ee soo riday diyaaradii Mareykanka oo Abaal marin la siiyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni & danjire C/fitaax C/hi Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---