Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wafdigan dowlada Turkiga ka socday waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Somalia , Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in ay la kulmaan Madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.
Dowlada Turkuga ayaa taageero balaaran siisa Soomaaliya, waxaana Turkiga Mudisho ka furatay Safaarad aad u weyn waxa ay sidoo kale ka dhisatay saldhiga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahya meel ka baxsan dalkiisa.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha socdaalka Hakan Çavuşoğlu kala soco Wararkaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com