Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jahwareer ka taagan qaar kamid ah garoomada Diyaaradaha ee Kenya (Daawo Sawirada)

Jahwareer xoogan ayaa xiligan ka taagan afar kamid ah garoomada diyaaradaha ee kuyaala magaalooyinka kuyaala dalka Kenya, kadib markii shaqaalihii garoomadaasi ay shaqo joojin sameeyeen .

Kumanaan rakaab ah ayaa ku xayiran afar kamid ah garoomada diyaaradaha dalka Kenya, waxaana rakaabkan oo safaro kala duwan ku qornaa saameyn ku yeelatay shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha garoomada.

Carqalad xoogan ayaa ku timid duulimaadyadii garoomada diyaaradaha dalka Kenya, ku dhawaad 60 duulimaad ayaa ku guuldaraystay in ay wakhtigii loogu talagalay kacaan garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta .

Diyaarado badan oo rakaab ka qaadi lahaa garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenaytta iyo garoomo kale oo waa weyn ayaa garoonka ka duulay iyaga oon wax rakaab ah qaadin kadib saameynta shaqo joojinta.

Shaqo joojintan oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa sameeyay darawalladii dabdamiska, kuwii boorsooyinka ka shaqaynayay iyo shaqaalihii mashiinnada ammaanka qaabilsanaa garoomada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baraha bulshada ee guddiga Doorashooyinka oo mar kale lala wareegay (Akhriso)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku laabtay, kana hadlay heshiisyo uu la galay dowlada (Sawirro)

Caydiid Ali

Xujey Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Isbuurasho (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---