Ciidamo katirsan Milatariga Soomaalia gaar ahaan ilaalada Madaxtooada ayaa maanta loo soo xiray tababar u socday mudo sadex bilood ah, waxaana Munaasabada tababarka lagu soo xirayay ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiil ciidan.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa tabarbar usoo xiray 130-askari oo katirsan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xiray Tababarka ayaa bogaadiyay dhabarka adeega Ciidanka ay muujiyeen mudada tababarka uu socday,isagoona tababar kale goobta uga furay Ciidan kale oo ka tirsan Ururkaas.
Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa bogaadiyay dhabarka adeega Ciidanka ay muujiyeen mudada tababarka uu socday,isagoona tababar kale goobta uga furay Ciidan kale oo ka tirsan Ururkaas
Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la baray sida loo ilaaliyo Madaxda qaranka oo loogu tala galay in ay ilaaliyaan , waxa ayna ciidanka qeyb ka noqanayana ciidamada koofiya casta loo yaqaan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com