Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo Kaalin aan lagu farxin uga jirta Wadamada ugu Musuq maasuqa badan Dunida

Dalka Soomaaliya ayaa wali safka hore uga jira Wadamada ugu musuq maasuqa badan Caalamka, waxaana Soomaaliya lagu sifeeyaa dal uu la dagay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Warbixin ay soo saartay Hay’ada Transparency Internation ayaa lagu sheegay in Soomaaliya wali safka hore kaga jirto Wadamada ugu musuq maasuqa badan Caalamka, waxa ayna Soomaaliya noqotay dalka Afrika ugu musuq maasuqa badan.

Hay’adda ayaa qiimeyn ku sameysa musuq maasuqa ay sameeyaan madaxda Dowladda caalamka taas oo aan wax ciqaab ah u marin, waxa ayna Soomaaliya kamid tahay wadamada aan lagula xisaabtamin madaxdooda Musuqa ay sameeyaan.

Khuburo sameeyay baaritaano ayaa sheegtay in dalalkaan la soo saaray heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira lagu cabiray 1 illaa 100,dalalka ugu horeeyana ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.

Dalka New Zealand ayaa noqday dalka ugu yar caalamka uu ka jiro Musuq maasuqa, waxaa sidoo kale kusoo xiga oo koobaad iyo labaad iyana ku jira Wadamada Denmark iyo Finland oo la sheegay in lagala dagaalamay Musuq maasuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqoonyahanno ka hadlay saameynta Covid-19 ku yeeshay nolosha Soomaalida Nederlands

Caydiid Ali

Wasiir Sabriye oo shaaciyay xilliga la furayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayre oo Qaabilay Wasiirka dowlada Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---