Allbanaadir.com
NEWS

Canshuurta laga qaado Shacabka Muqdisho oo la Musuq maasuqo iyo Gudoomiye Yariisow oo ka hadlay

Waxaa soo baxaya in la musuq maasuqo oo qasnada dowlada hoose ee Xamar aan laga ridin lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado shacabka ku dhaqan 17-da Degmo ee gobolka Banaadir.

Lacagahan Canshuurta ah waxaa inta badan jeebka ku rita askarta soo aruurisa iyo raga ka sareeya ee u dira, lamana geeyo lacagahan qasnada Dowlada hoose ee Xamar sida aan wararka ku helnay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay iney Jirto Canshuur badan oo laga qaado Shacabka balse aaney ku dhicin qasnada Dowladda oo ay si gaar ah u isticmaalaan dadka qaada iyo kuwa udirsada in Canshuurtaas la soo qaado.

Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho in mudadii ay xilka hayeen ku mashquulsanaayeen arimo kale ay kamid tahay hagaajinta maamulka iyo Maareynta hadana ay usoo jeesanayaan wax ka qabashada canshuurahan la lunsanayo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adaha garsoorka horgeyn doonaan kiisaska uu maamulkiisa ogaaday iyo dadkii ka dambeeyay si cadaalada loo horgeeyo, waxa uuna tilmaamay in gacan bir ah lagu qaban doono dadka Musuq maasuqa wada.

Ciidamada Minishiibiyada ee hoos taga dowlada Hoose ee Xamar ayaa gaadiidka iyo Mootooyinka ka qaada lacago iyaga oo u jara boonooyin jeebkooda ah, waxaana lacagahaasi ciidamada qaadaan la sheegay in aysan qasnada dowlada hoose ku dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Masaajid lagu tukanayey Salaada Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo qabtay Burcad dil iyo dhac ka geestay Xarun Hormuud leedahay 

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada Wufuuda Soomaaliya iyo Somaliland uga qeyb galaya Shirka Jabuuti

Caydiid Ali
Taboola Ads ---