Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaray Wafdi ka socday Midowga Yurub, waxa ayna wafdigan kulan la qaateen Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Safiir ku xigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya Fulgencio Garrido iyo wafdi la socday ayaa lagu soo dhaweeyay Kismaayo, waxa ayna Madaxtooyada Jubbaland kulan kula qaateen Madaxweynaha Jubbaland.
Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa looga hadlay arimo kala duwan ay kamid tahay xaalada deegaanada Jubbaland iyo sidii MidOwga Yurub u taageeri laheyd maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland AXmed Madoobe ayaa uga warbixiyay wafdigan ka socday Midowga Yurub xaalada Jubbaland, waxa uuna ka codsaday in ay ka taageeraan la dagaalanka Al Shabaab iyo tababarada Ciidanka Jubbaland.
Safiir ku xigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya Fulgencio Garrido ayaa u balan qaaday Maamulka Jubbaland in ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan sidii dib u dhiska ciidanka Jubbaland iyo maamul wanaaga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com