Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Gunter Noote oo tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Daawo Sawirada)

Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland gaaray xubno uu horkacayay wakiilka gaarka ah ee Hogaamiyaha dalka Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay  wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote iyo xubnaha la socday.

Muuse Biixi iyo wakiilka Hogaamiyaha Jarmalka u qaabilsan  Afrika, ayaa ka wada-hadlay mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Hargeysa oo ay Jarmalku kaalin weyn ku leedahay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxana ay si qoto dheer uga doodeen xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya maamulka  Somaliland iyo dalka Jarmalka.

Safarkan uu magaalada Hargeysa ku tagay wakiilka gaarka ah ee Hogaamiyaha dalka Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote ayaa waxaa ka horeeyay safar uu Muqdisho ku tagay wakiilkan kulana kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur: “Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato iyo boor isku qaris ah”

Caydiid Ali

Shaqo joojin lagu sameeyay Cali Dhuux Cabdi Mahadale (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo gaari ciidan oo la gubay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---