Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Garoon Diyaaradeed oo lagu qabtay in ka badan Kun Xabo oo Diin diin ah (Daawo Sawirada)

Garoonka Diyaaradaha magaalada Maniila ee caasimada dalka Filibiin ayaa lagu qabtay  in ka badan 1,500 xabo oo diin diin ah oo lagu soo qariyay boorsooyin looga dhax tagay gudaha garoonka.

Booliiska ayaa afar boorso oo garoonka diyaaradaha looga dhax tagay ka dhax helay Diin diinkan badan oo nool, waxaana la sheegay in qofkii boorsooyinka kusoo qariyay diin diinkan uu garoonka ka baxsaday.

Warbaahinta dalka Filibiin ayaa ku warantay in diin diinkan la doonayay in si sharci daro ah loo soo galiyo gudaha Filibiin, waxaana la sheegay in Diinkan lagu iibsan lahaa lacag ku dhaw Boqol Kun oo Dollar.

Qofkii watay boorsooyinkan lagu soo qariyay diin diinka nool ayaa la sheegay hadii la qaban lahaa in uu muteesan lahaa xukun adag oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, waxaana dalka Filibiin dambi ah in si sharci daro ah xayawaan loo safriyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay arimaha Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade

Liiska Xubnihii kusoo baxay doorashadii ka dhacday Puntland oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Amarkii xalay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Somalia oo maanta la jabiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---