Allbanaadir.com
NEWS

Dahab lagu qiimeeyey lacag aan caadi aheyn oo lagu qabtay garoonka Jomo Kenyatta

Nin u dhashay dalka Tanzaniya ayaa lagu xiray dalka Kenya ka hor inta uusan raacin diyaarad ku sii jeeday magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

Ninkan ayaa waxaa lagu qabtay dahab lagu qiimeeyay milyan oo dollar sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta.

Dahabka uu watay ninkan oo 46 jir ah ayaa waxaa uu ahaa 32 kg, waxaana lagi qiimeeyey hal milyan oo doolar lacag ka badan.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa ninkan ku qabtay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi jimcihii.

Laamaha dowladda ayaa sheegay in tillaabadan ay qaadeen ka dib markii ay heleen macluumaad arrintan ku saabsan.

Ninkan oo aan magaciisa weli la shaacin  ayaa ka yimid degaanka Mwanza isagoo soo maray Kilimanjaro, waxaana haatan baaritaan uu ku socdaa halka uu ka keenay dahabkan iyo meesha uu u waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta kulan sagootin ah la qaatay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo ka ka Jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Ciidamo dhac farsameesan ka geesan jiray Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---