Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda.
Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha amray sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo.
“Maanta waxaan Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacaddaha ku yaalla gobolka Banaadir,kulankeenna waxaan diirada ku saarnay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullahi Goodax Barre
“Arrimaha kale ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo”ayuu intaasi ku daray wasiir Goodax.
Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo kaashaneysa bahda waxbarashada waxaa markasta ka go’an tayeynta waxbarashada iyo in xirfado loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ay looga baxo shaqa la’aanta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com