Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye degmo oo xilka laga qaaday & masuul bedela oo aan la magacaabin (Akhriso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha & dowladaha hoose ee Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa soo saaray xilkii looga qaaday Cabdullaahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) oo ahaa guddoomiyihii degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Wareegtada oo soo baxday shalay oob taariikhdu aheyd 20/2/2018 ayaa lagu sheegay in Xilkii laga qaaday Gudoomiye Geeldoox, iyadoo aan degmada Gudoomiye kale loo magacaabin.

Xilka qaadista ayaa lagu sababeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu muddo dhowr bilood ah degmada ka maqnaa, waxaana laamaha amniga Hir-Shabeelle lagu wargeliyay in xiligaan wixii ka dambeeya uusan masuul aheyn.

Akhriso wareegtada xilka looga qaaday guddoomiyaha degmada Mahadaay:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Musharaxiinta oo laga Difaacayo weerar uga yimaada Dowlada iyo Villa Somalia oo qorshayaal cusub diyaarisay

Cabdi Cade

Musharax Shaaciyay in Ra’isul Wasaare Rooble lagu cadaadinayo in uu u tanaasulo Farmaajo

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagaya Magaalada Asmara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---