Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadal u furmi lahaa Maraykanka & W/Kuuriya oo daqiiqadii u dambeysay fashilmay

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in wakiilo ka socday Kuuriyada Waqooyi ay isaga baxeen kulan ay la yeelan lahaayeen Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence.

Ergada ayaa isaga baxay kulanka wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan billaaban, waxaana lagu waday in kulankan uu ka dhaco caasimadda Kuuriyada Koonfureed magaalada Seoul.

Kulanka ayaa la baajiyay ka dib markii Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu cambaareeyay tacadiyada xuquuqa aadanaha ee Kuuriyada Woqooyi uuna ku dhawaaqay qorsha cunaqabayn cusub oo dhaqaale oo lagu soo rogayo.

Mr Pence ayaa lagu waday inuu kulan la qaadato ergada Pyongyang oo ay ku jirto Kim Yo Jong oo ah gabarla dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi.

Ma jirto ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhanka Kuuriyada Waqooyi oo ku saabsan kulanka la baajiyay iyo sababta rasmiga ah ee ay uga baxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wadahadalo Xasaasi ah oo Nairobi uga furmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Maxaa ka jira inuu dib u dhacay maanta shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Xariga Abuu Mansuur iyo Doorashada K/Galbeed oo maanta ka dhacay ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---