Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khaye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka.
Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka oo halkaas ka furmaya, waxaana uu sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galaysa shirkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com