Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Baaritaan guri guri ah oo ka socda Xaafadaha Belad-weyne & Sababta ka dambeysa

Ciidamada dowladda ayaa maanta ka wada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan howlgal iyo baaritaanno guri guri ah oo ka socda xaafadaha magaalada oo dhan.

Howlgalkan ugu weyn ayaa ka socda xaafadda Howl-wadaag oo inta badan ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee lagula kaco askarta dowlada iyo waxgaradka bulshada.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu socon doono ilaa laga xaqiijinayo nabad-galyada magaalada.

Labo Askari ayaa ku dhawacmay maalin ka hor qarax ka dhashay miino la dhigay ilinka hore guriga uu magaalada ka degan yahay taliyaha ciidamada Asluubta gobolka Hiiraan Col Maxamed Cali Macow, waxaana ka sii horeeyey dilal loo geystay askar iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan iyo kuwa …

Cabdi Cade

Weerar toos ah oo saakay lagu qaaday Jaamacada Marshal Fahim (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Rooble oo sheegay in dilka Xildhibaanad Aamino iyo Weerarkii Xalane ay isku xiran yihiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---