Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal oo shir caalami ah kaga qeyb galaya Jordan (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan.

Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta  iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo dib u Magacaabay Wasiir uu sanad ka hor shaqada ka eryey (Akhriso)

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo taageertay dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda !!

Cabdi Cade

Dad badan oo kasoo Jeeda Koonfur Galbeed oo lagu laayay Gaalkacyo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---