Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada janaasada marxuum Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho, taasoo ka dhacday masjidka Isbaheysiga Islaamka.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galay janaasada Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlada.
Allah u naxariiste Nabadoon Marxuum Axmed Diiriye Cali ayaa habeen hore saqddii dhex ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ka dib xanuuno soo wajahay oo uu mudooyinkan la ildarnaa.
Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay janaasada ayaa Alle uga baryay in Marxuumka uu Janadii Firdowsa Geeyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kalena waxa ay Tacsi U direen Qoyska Reer Axmed Diiriye iyo Shacabka Somaaliyeed oo uu ka baxay Marxuum Axmed Diiriye Cali.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi Soomaalinimada ku weyn tahay isla markaana waqtigiisa ugu badan geliyay dhanka Nabadda.
Meydka marxuumka ayaa loo duuliyey Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada aaska Marxuum Axmed diiriye Cali, iyadoo Cadaado uu ku soo wajahan yahay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan si uu uga qeyb galo aaska marxuumka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com