Taliska ciidamada Mareykanka qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa waxay beeniyey wararka sheegaya in askari Mareykan ah looga dilay weerar 19-kii bishan ka dhacay meel ku dhow degaanka Buulo-guduud ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Al-Shabaab ayaa shalay sheegay dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka inay ku dileen Askari american ah iyo afar ka tirsan ciidanka AMISOM.
“Waa run inuu dhacay dagaal, laakiin waa khalad oo waa been inuu khasaare soo gaaray askarteena” ayey tiri Samantha Reho oo ah Afhayeenad u hadashay Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM).
Samantha Reho ayaa intaas ku dartay in ciidamada Maraykanka ay weeraro ka geystaan saldhigyo Al-Shabaab ay leeyihiin, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM si buu yiri looga adkaado wax uu ugu yeeray argagaxiso naf la caari ah.
Dhinaca kale, Qoraal isna ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay ineysan wax ka jirin warka ka soo baxay Al-Shabaab, ayna bad qabaan dhammaan Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia.
Maraykanka ayaa waxaa Koonfurta Somalia ka jooga boqolaal askari oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh, kuwaasoo dhinaca tababarada iyo howlgalada ka dhanka ah al-shabaab ka caawiya ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa midowga afrika ee AMISOM.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com