Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay tiro madaafiic ku dhacday xarunta Villa Somalia iyo Al Shabaab oo…

Waxaa duhurnimadii maanta tiro madaafiic ah lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana madaafiicda qaarkood ku dhaceen gudaha Villa Soomaaliya halka kuwa kalana ku dhaceen goobo kale oo ku dhaw dhaw.

Sida aan wararka ku helnay Sadex kamid ah Madaafiicda ayaa ku dhacday gudaha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan keel ku dhaw Madaxweynaha, Xafiiska Guddiga Doorashooyinka iyo sidoo kale xarunta Villa Hargeysa .

Waxaa sidoo kale Madfac kale uu ku dhacay xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo ku dhaw Tayaatarka Qaranka, waxaana madaafiicda qaarkood geeteen bur bur.

Madaafiicdan ku dhacday gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay , waxaana madaafiicdan khal khal ka abuurtay qeybo kamid ah xarunta Madaxtooytada oo lagu kala cararay dhismayaasha shubka ah.

Waxaa sidoo kale madaafiicda lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku dhaceen xaafado iyo dhismayaal kale oo ku dhaw Madaxtooyada, lamana oga in madaafiicdaasi uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah iyo in kale.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada madaafiicdan goordhaw lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna Shabaab sheegeen in madaafiicda ku dhaceen bartilmaameedkii lala rabay oo ahaa Madaxtooyada.

Madaafiicdan dharaar cad lagu weeraray xarunta Madaxtooyada ay dagan yihiin madaxda dalka ugu sareysa ayaa muujinayta fashilka amni ee ka jira caasimada, waxaana shacabka Muqdisho wali la murugeesan yihiin weerarkii dadka badan ku dhinteen ee habeen hore ka dhaca Laamiga Maka Al Mukarama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo xukun adag ku riday Haweeney xubin firfircoon ka aheyd kooxda Daacish

Caydiid Ali

Dagaal ka socda degmada Wanle-weyn & maamulka Sh/hoose oo ka hadlay

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo shaaciyay in la bur buriyay hub iyo gantaalo culus ay lahaayeen xoogaga Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---