Warbaahinta Denmark ayaa maalmahan si xooggan u daba dhigtay dumarka Soomaalida iyo qaabka ay dalkaas uga shaqeystaan oo dhaliil xoogan laga muujiyey.
Arintan ayaa bilaabatay ka dib warbixin uu telefishinka TV-2 ee dalkaas ka diyaariyay goob ay isugu yimaadeen haween Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood wadankaas degenaa muddo ku dhow 20 sano, waxaana warbixintaas lagu sheegay in dhamaan dumarka soomaalida ah ee ay la kulmeen aysan ku hadlin luuqada dalkaas, aysana heysan wax shaqo ah iyagoo dalkaas degenaa labaatan sano ka badan.
Dumarka Soomaalida ah ee warbixinta laga diyaariyay ayaa sheegay inay dhibaatooyin ku qabaan helida shaqooyinka, maadaama aqoonta luuqada Danishka aysan heer fiican gaarsiisneyn.
Warbixintaas ayaa dhalisay dood cirka isku shareertay, iyadoo qaar ka mid ah xisbiyada dalkaas ay soo jeediyeen in lacagta kaalmada ah ama ceyrta laga jaro dumarka aan shaqeysan, ee wadankaas in muddo ah degenaa.
Qaar ka mid ah dumarka Soomaalida ah ee degan dalka Denmark oo ka carooday warbixinta TV2 ayaa sheegay inay jiraan boqolaal dumar Soomaali ah oo shaqeeyo, warbixintana ay tahay mid qalad ah oo si bahdilaad ah loo buun buuniyey.
Siyaasiyiinta soomaalida ee magaalada Odense ayaa iyagana dhankooda sheegay in dumarka uu TV2 warbixinta ka diyaariyay ay ku jiraan kuwa shaqeysta, luuqada wadankaasna yaqaana, balse ay ka xishoonayeen kaamerada.
Reisul Wasaaraha Denmark oo arintan ka hadlay ayaa isna dhankiisa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in dumar sanado badan wadankaas degenaa aysan luuqada ku hadlin, shaqana aysan heysan wuxuuna intaas raaciyay in aqoonta luuqada oo yar aysan sabab u noqon karin in qofku uusan shaqeysan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com