Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurado weeraray saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Jamaame iyo Wararkii ugu dambeeyey

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya duqeyn dayuurado dagaal saaka aroortii ku qaadeen fariisin Xoogaga Al-shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.

Duqeyntan oo ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday xero Millitari oo Al-shabaab ay ku leeyihiin duleedka degmadaas.

Goob joogayaal ku sugan degaanka ayaa sheegay in saakay aroortii mar qura ay ku soo tooseen iyada oo jawiga uu is bedelay, islamarkaana dhanka saldhiga ay ka maqlayeen Dhawaqa qaraxyo waaweyn, rasaas xoogan iyo guuxa Diyaaradaha.

Warar madax banaan ayaa sheegaya xilliga ay Duqeynta dhaceysay in saldhiga ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Shabaab oo lagu  waday iney ka qeyb galaan shir halkaas ka furmayey.

“Weerarka wuxuu ka dhacay meel u jirta degmada Jamaame 5-km, xero Shabaab ay degan yihiin ayay aheyd, lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah, halkaas waxaa isugu yimaada saraakiisha Shabaab duqeyntan way na saameysay, cabsi ayaana  na gashay” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday.

Weli ma jirto dowlad sheegatay iney leedahay  dayuuradahan duqeynta fuliyay, inkastoo dayuuradaha Maraykanka iyo Kenya ay yihiin kuwo ugu badan ee duqeymaha ka fuliya saldhiga Al-shabaab ee gobolada Jubooyinka.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay iney askari ka tirsan ciidamada Maraykanka ku dileen degaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ka dib weeraro jidgal ah oo ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo huwan ah balse ma jiraan warar madax oo arintaas xaqiijinaya, taliska ciidamada Maraykanka ee Qaarada afrikan kama hadlin sheegashadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Madaxwayne Farmaajo Muxuu uga baaqday shirka Falastiin ee Madaxda Islaamka ?

admin

Ciidanka Xoogga oo burburiyay Fariisimo Al Shabaab lahaayeen

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya dagaal dhax maray Dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo Daacish

Cabdi Cade
Taboola Ads ---