Madaxweynihii hore ee Somalia ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Hassan Shiikh Mohamud oo ay wehliyeen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka qaarkood ayaa waxay saaka booqdeen dhaawacyada qaraxyadii xalay ee la geeyay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer), ayagoona dhiigooda u shubay.
Xasan shiikh ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay bukaanadii ay ku booqdeen Isbitaalka iyo dhamaan dadkii ay waxyeeladu kasoo gaareen qaraxyadii xalay dhacay ee ku jira Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud, Senator Cismaan Axmed Macow iyo xildhibaan Zakariye Gaashaan oo dhiig shubida kadib saxaafadda la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dhibtii kasoo gaartay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho, ayagoona si wadajir ah shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan argagaxisada caadeysatay leynta shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta xisbiga ee la socday ayaa maamulka Isbitaalka ka codsaday in dadka danta yar ee aanan heli karin qarashaadka loo fududeeyo oo aan wax qarash ah lagu xujeyn, maamulka Isbitaalka ayaana arintaasi ka garaabay balana- qaaday ineysan kharash ku xujeyn doonin dhaawacyada loo keeno.
Xasan Shiikh ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay musiibo Qaran, loona baahan yahay in garan istaag loo muujiyo dadka dhaawacmay, isagoo Al-shabaab ugu baaqay iney joojiyaan weerarada maatida lagu leynayo oo uu sheegay inaan dan siyaasadeed iyo dano kale toona lagu gaareynin.
Siyaasiyiinta mucaaradka badankood ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraalo au ku cambaareynayaan weerarkan, iyagoo ku baaqay in dowlad iyo shacab loo midoobo sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab oo ay sheegeen iney yihiin cadow aan wax hambeynin sida ay yiraahdeen, waxaana ka mid ah xubnaha warka soo saaray gudoomyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, madaxweynihii hore ee Somalia ahna Gudoomiyaha xisbiga Himilo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, xildhibaan Mahad Salaad iyo xubno kale.
Dhinaca kale, iyadoo saacada Muqdisho ay ku dhowdahay xiligan 4tii galabnimo ayaa agagaaarka hotelka Maka Al-Mukarama laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas ay isweydaarsanayaan ciidamada amaanka iyo dabley ka tirsan Al-shabaab oo weli ku jira qaar ka mid ah dhismayaasha ku burburay qaraxii xalay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com