Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyey weerarka Alshabaab ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo Qaraxyadii ka dhacay xalay.
Madaxdweynaha jubalabnd Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarka Alshabaab xalay ka geysatay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku xasuuqeen buu yiri dad aan waxba galabsan oo nolol maalmeedka la halgamayay, wuxuuna Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.
Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin isagoo sheegay in argagixisada isku duubni iyo wadajir lagaga adkaan karo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Puntland iyo shacabka ayaa sheegey inay la qaybsanayaan murugada iyo tiiraanyada walaalahood waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa ee buu yiri Argagixisadu ay u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho sida uu yiri.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa cambaareeyay Weerarka al-shabaab ay xalay ka gaysatay Magaalada Muqdisho kaasoo ay ku xasuuqeen dad aan waxba galabsan oo nolol maalmeedka la halgamayay.
Madaxweynahu wuxuu Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com