Allbanaadir.com
NEWS

Qalabkii Idaacada Al Shabaab oo la keenay Muqdisho iyo Wasiir Iidaan oo ka hadlay

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa howlgal isbuucii hore ay ka fuliyeen Deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxaa la sheegay in ay kusoo qabteen qalab ay laheyd Idaacad Afka Al Shabaab ku hadasha oo kutaalay deegaanka Mubaarak.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yonis ayaa sheegay in ciidanka xooga Soomaaliyeed gacanta kusoo dhigeen qalabkii Idaacada Al Andulus ee kutaalay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka ayaa uu guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliyeed ay kula so wareegeen Qalabkii Idaacadii afka Al-shabaab ku hadleysay ee Al-Andulus.

“Waxaa guul u soohooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Al shababa lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo burburinta kooxaha arxan laawayasha ah ,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya”. Ayu yiri Wasir Iidaan Yoonis.

Qaar kamid ah Qalabkii Idaacada Al Andulus ee deegaanka Mubaarak ku taalay ayaa la keenay magaalada Muqdisho, waxaana qalabkan gacanta ku haya laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.

Idaacada Al Andulus ayaana xarumo kala duwan ku leh qaar kamid ah Deegaanada iyo Degmooyinka ay gacanta ku hayaan Al Shabaab, Idaacadan ayaana ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Shaacisay in ay buuxisay biyo-xireenkii ay ka dhisayeen webiga Nile

Cabdi Cade

Dalalka G7 oo lagu wargaloyay xilliga Iran weerari doonto Israa’iil

Cabdi Cade

Burcad Nuuc cusub ah oo kusoo korortay Muqdisho iyo Shacabka oo Cabsi lasoo daristay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---