Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka ka socda wadada Maka Al-Mukarama

Weerarkii xalay ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa muddo ka badan 12 saacadood ka badan weli ka socda dhismeyaal ku yaalla wadada Maka Mukarama.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ragga hubeysan ee ka tirsan Al-shabaab ay galeen guri ay degan yihiin dad shacab ah oo u dhow hotelka Maka Al-Mukarama iyo maqaayada Hilaac UK.

Gurigan oo ah mid aad u weyn oo dad badan ay degan yihiin ayaa waxaa ku nool qoys caan ah oo la yiraahdo reer Shideeye, iyadoo ciidamada dowlada ay soo badbaadiyeen dadka ku noolaa gurigaas oo ka badnaa 40 qof sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka laga soo saaray dhismahaas.

Afar qof oo ka mid ahaa dadkiii degenaa gurigaas ayaa la sheegay in loo qaaday isbitaalada ka dib markii ay ku dhaawacmeen weerarka ku qabsaday gurigooda.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableyda ka tirsan Al-shabaab ay bambooyin iyo rasaas ka dhex tuurayaan gurigaas ay galeen, iyadoo ciidamada amaankuna  ay isku dayayaan iney weerarka soo afjaraan, rasaas goos goos ah ayaan weli goobta ka dhaceysa, iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in dableyda al-shabaab ay qaldeen bartilmaameedkii ay rabeen,

Dhinaca kale, dad fara badan oo nolol iyo geeri ku raadinaya dad eheladooda ah oo maqan ayaa buux-dhaafiyey agagaarka goobta weerarku uu ka socdo, ka dib markii ay u suurageli weysay iney burburka dhismeyaasha iyo gaadiidka goobta daadsan ka dhex raadiyaan eheladooda.

ciidamada amaanka ayaa dadkaasi hortaagan ina diidan iney goobtan galaan, iyagoo u sheegaya inuu socdo howlgal, goobtana aysan weli amaan aheyn.

Jawiga wadada Maka Al-Mukarama ayaa weli cakiran kana duwan sidii hore, waxaana jira dhaawacyo cusub iyo meydad saaka la gaarsiiyey goobaha caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne

Caydiid Ali

Basbaas sabab u noqday in Maxaabiis ka baxsadaan xabsi si weyn loo ilaaliyo ammaankiisa

Cabdi Cade

Maxaabiis laga soo daayay dalka Iiraan oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade