Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada oo saakay Xukun dil ah lagu riday

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday Sargaal katirsanaa ciidanka Badda Soomaaliya oo horey u dilay taliye kuxigeenkii Ciidanka badda Soomaaliya.

Maxkamada ayaa dhageesatay Dambi ciqaabeed dil ah oo loo heestay Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo katirsanaa Saraakiisha ciidanka badda, waxaana Maxkamada ninkan ku heshay in si ula kac ah u dilay Taliye kuxigeenkii ciidanka badda General Siciid Aadan Dheere (Siciid Mariino).

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka dilka ah ee lagu riday  Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh .

Sargaalkan Xukunka dilka ah saakay lagu riday ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhax dilay Taliye kixgeenkii ciidanka badda Generaal Siciid Mariino kadib markii ay murmeen.

Maxkamada Ciidanka qalabka sida ayaa horey sidan oo kale xukuno xikuno dil ah ugu riday saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada oo lagu helay in ay dilal ugu geestaan askar kale iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah Gantaal ridda dheer markii ugu horreysay ku garaacday Tel Aviv

Cabdi Cade

Kenya oo Shaacisay tirada Gaadiidka Gaashaaman ay ka iibsaneyso dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo tagay Hotelka Xayaat lana hadlay Warbaahinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---