Waxaa wali aan lasoo afjarin weerar rag hubeesan caawa ku galeen dhismo ku dhaw hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana wali la maqlayaa rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan ciidamada amaanka iyo dableyda hubeesan.
Sida aan wararka ku heleyno raga hubeesan ayaa galay dhismo ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama, waxaana dhismaha raga hubeesan ku jiraan kana dagaalamayaan la sheegay in ay dagan yihiin dad shacab ah .
Ciidamada amaanka ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka Al Shabaab ku galeen dhismaha ku dhaw Hotela Maka Al Mukarama, waxaana jirta cabsi laga qabo in dhibaato xoogan soo gaarto shacabka ku sugan dhismaha iska hor imaadka ka socdo.
Al Shabaab ayaa horey u sheegtay in ay dagaalyahanadooda ku jiraan kana dhax dagaalamayaan dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama, hasa ahaatee wararka aan ilo lagu kalsoonaan karo ka helnay sheegayaan in raga hubeesan aysan dhismaha Hotelka galin.
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka caawa Al Shabaab ku qaadeen dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama iyo dhismayaal kale oo ku dhaw dhaw.
Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay aaga ay raga hubeesan caawa ka dagaalamayaan, waxaana wali qeybo kamid ah dhisamayaasha qaraxa iyo weerarka saameeyay ku dhax jira dad qaba dhaawacyo iyo kuwa dhintay.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com