Al Shabaab ayaa si cad u sheegatay masuuliyada weerar xoogan oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo caawa fiidkii lagu qaaday Dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ku bilowday ismiidaamin uuna xigay mid toos ah oo dagaalyahano hubeesan oo kooxdooda katirsan ku galeen dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama.
Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay ka dhax dagaalamayaan lana wareegeen qeybo badan oo kamid ah dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama oo caawa lagu qaaday weerarka xoogan.
Rasaas xoogan ayaa wali laga maqlayaa dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama , waxaana goobtaasi buux dhaafiyay ciidamada amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gaashaan.
Ciidamada amaanka ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka dagaalyananada Al Shabaab ku galeen dhismaha Hotelka Maka Al Mukarama, waxaana dhismaha hotelka lasoo sheegayaan in ay dad ku xayiran yihiin.
Hotelka Maka Al Mukarama oo kamid ah Hoteelada waa weyn ee Muqdisho ayaa waxaa degan Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Federaalka, walina lama shaacin wax masuul ah oo waxyeelo kasoo gaartay weerarka wali socda.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com