Rasaas ayaa wali laga maqlayaa aaga uu qaraxa xoogan caawa ka dhacay ee ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in kooxo hubeesan ay ka dagaalamayaan dhismo kuyaala halka weerarku ka dhacay.
Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Gaashaan ayaa buux dhaafiyay goobaha ay caawa qaraxyada ka dhaceen, waxa ayna ciidamada dagaal kula jiraan kooxda hubeesan oon wali si rasmi ah loo ogeyn dhismaha ay ku jiraan.
Goobta uu caawa qaraxa ka dhacay waxaana wali ka socda gurmad loo sameenayo dadka ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxa, waxaana wali dhisamayaal laga soo qaadayaa dad dhaawacmay iyo kuwa dhintay.
Xaalada ayaa caawa ah mid kacsan, waxaana rasaas xoogan iyo bambaanooyin laga maqlayaa aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana ciidamada amaanka bad baadinayaan dad ka bad baaday qaraxa oo dhisamayaal ku dhaw Hotelka Maka ku go’doonsan .
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com