Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Casho sharaf loogu sameeyay London (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriishka casho sharaf loogu sameeyay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwooda ugu saameynta badan.

Munaasabada casho sharafta waxaa Xildhibaan Mustaf Dhuxulow u sameeyay Guddiga Dhalinyarada beesha Murusade ee ku dhaqan dalka UK , waxa ayna munaasabada aheyd mid si wanaagsan loo soo agaasimay una dhacday.

Xildhibaanka Mustaf Dhuxulow ayaa uga warbixiyay dhalinyaradii uu la kulmay xaalada dalka ka jirta gaar ahaan deegaanada uu ku matalo dowlada federaalka Soomaaliya oo intooda badan ka maqan gacanta dowlada.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow in dalka uu hada ka jiro isbadal badan ayna wax badan qabatay dowlada hada jirta uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna kula dar daarmay dhalinyarada in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale dhalinyarada uu la kulmay ka codsaday in ay ka war hayaan gacana ka geestaan horumarka iyo nabad kusoo celinta deegaanada ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Qaar kamid ah Dhalinyaradii munaasabada casho sharafta ka hadlay ayaa dhankooda amaanay waxqabadka muuqda ee Xildhibaan Mustaf, waxa ayna sheegeen in diyaar u yihiin in dowlada taageeraan sidoo kale ka shaqeeyaan horumarka deegaanada ay kasoo jeedaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro kala duwan dhaliyay oo caawa ka dhacay magaalada Buuhoodle

Cabdi Cade

Doorashada Afar kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka oo maanta dhaceysa

Cabdi Cade

Al-Sisi oo gaaray Asmara & shir sadex geesood ah oo furmay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---