Waxaa shalay magaalada Doha ee Caasimada dalka Qadar kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Amiirka dalkaasi Amiir Sheekh Tamiim .
Kulanka ayaa looga hadlayay xoojinta xiriirka xiligan ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii dowlada Qadar dhinaco badan uga taageeri laheyd dowlada Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Sida ay ku warantay Wakaalada wararka u faafisa dowlada Qadar Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim ayaa ogolaaday in dowlada Soomaaliya ugu deeqaan lacag gaareysa $20 Milyan oo doollarka Mareykanka.
Lacagtan badan ee dowlada Qadar ugu deeqday dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu kabayo miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadkan bilowga ah ee 2019.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qadar ayaa sidoo kale isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Qadar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
Dowlada Qadar ayaa xiligan kaalinta koobaad kaga jirta dowladaha taageerada dhaqaale siiya dowlada federaalka Soomaaliya, waxa ayna dowldan door lama ilaawaan ah ku laheyd in uu talada dalka qabto Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com