Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo ku dhintay Shil Tareen oo ka dhacay Qaahira (Daawo Sawirada)

Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar waxaa shalay ka dhacay shil tareen oo sababay dhimashada dad badan , waxaana shilkan uu ka dhacay xarunta ugu weyn ee Tareenada ee Qaahira.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay 24-qof oo u badnaa rakaabkii tareenka saarnaa, waxaa sidoo kale shilkan dhaawacyo kala duwan oo qaarkood culus yahay uu kasoo gaaray dad ka badan 50-qof.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii tareenkan oo xawaare sare ku socda uu ku dhacay darbiga goobta laga raaco tareenada, waxaana la sheegay in darawalka tareenka uusan qaban fariin uuna dagaal kula jiray qof saarnaa tareeenka.

Waxaa shilkan khasaaraha badan dhaliyay sababay in uu si deg deg ah isku casilo Wasiirkii Gaadiidka dalkaasi, waxaana durba bilowday baaritaano adag oo lagu sameenayo sababihii keenay shilkan iyo cidii masuulka ka aheyd.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa tacsi u diray ehelada dadkii shilkan ku geeriyooday, waxa uuna Madaxweynaha cadeeyay baaritaano lagu sameenayo shilkan sharcigana la horgeyn doono cidii masuulka ka aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Safiirkii Somalia u joogay Sacuudiga oo iscasilay Markii si xun loola dhaqmay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Maxamed Qanyare Afrax

Cabdi Cade

Muslimiinta Norwey oo ka carooday xayeysiis lagu faafiyey baraha bulshada

Caydiid Ali