Sarkaal 12-kii bishan ka soo goostay Al-shabaab iskuna soo dhiibay Ciidamada Nabad sugida dowlad gobaleedka Jubaland iyo Saraakiisha Guutada 10-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo bandhigay degmada Baardheere.
Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa Degaanada gobalka Gedo balse markii Dambe ka howlgali jiray degaanada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Taliye ku-xigeenka Nabad sugida Juballand ee Baardheere Ahmed Maxamed Cabdullaahi Garab Gooye ayaa sheegay inay wali furan tahay cafiskii Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee uu u fidiyay Dhalinyarada wali ka tirsan Kooxda Alshabaab.
Cabdinuur Macalin Xasan Waxaa uu dhankiisa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii diineed ee Al-shabaab oo uu xusay inuu ahaa mid aad u qaldan, uuna ILAAHAY uga towbad keenay isla markaana uu ka shaqayn doono horumarka dalkiisa hooyo.
Sidoo kale waxa uu baaq u diray dhalinyarada Al-Shabaab, isagoo u sheegay inay kasoo laabtaan fikirka ku saleysan wax uu ugu yeeray gumaadka umadooda Soomaaliyeed.
Al-shabaab ayaan weli ka hadlin in sarkaalkan la sheegay inuu ka soo goostay uu iyaga ka tirsanaa iyo in kale, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com