Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga la qabanayo dooorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyey

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Maamulkaasi.

Kulanka Baarlamaanka oo ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira Howlaha Baarlamaanka, iyadoo maanta kulankaasi lagu soo xiray kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn maanta isku raacay in Bisha November 17 ee sanadkan 2018-ka ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada.

Xildhibaanada ayaa arrintan ku meel mariyay qaab gacan taag ah, 110 xildhibaan ayaa ogolaatay in Doorashada Novembar ay Madaxweynaha doortaan xildhibaanada Baarlamaanka, halka Saddex xildhibaan ay diideen.

Shariif Xasan ayaa horey waxaa u soo doortay Ergooyinka beelaha balse xildhibaanada ayaa maanta sheegay Doorashadan Madaxweynaha ee soo socota in ay codeyn doonaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo keliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Beerxaano iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Muxuu Laftagareen ka dalbaday Xildhibaannada laga soo doortay K/Galbeed?

Caydiid Ali

Abaalmarinta caalamiga ah ee Somalia oo markii 4aad lagu qabtay London (Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---