Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.

Waxaa dhaawacmey shan kale, oo ay ku jiraan sarkaal booliis iyo mid ka mid ah ilaalada kaniisada.

Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu rasaas oodda uga qaaday dad kasoo baxayey kaniisadaasi oo ku taalla magaalada Kizlyar.

Qofkii weerarka soo qaadey ayaa lagu toogtay goobta. Waxaa la ogaadey inuu ahaa 22 jir lagu magacaabo Khalil Khalilov, oo ka tirsanaa dadka degaanka Dagestan.

Kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka, ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahaaayeen weerarkan, ha yeeshee ma aaney soo bandhigin wax cadeynaya iney iyagu ka danbeeyeen.

baadari heysta madhabka Orthodox ee diinta Christian-ka ayaa sheegay inuu weerarku dhacey wax yar uun ka dib markii ay dhammaaday wacdi.

“khudbadihii markii aynu dhameynay  dadkiina ay isu diyaariyeen iney ka baxaan kaniisaddii ayaa Nin gar leh ku soo orday dhanka iyo kaniisadda, isagoo ku dhawaaqaya kalmadda Allaha Abkar wuxuuna diley afar qof,” sidaasi waxaa yiri baadarigii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Antonio Guterres oo loo sheegay War uu aad uga naxay kuna baaqay baaritaan deg deg ah

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo soo saaray Amar ku socda dadka maamula Iskuuladii hore (Wareegto)

Cabdi Cade

Isbadal ku yimid taageerada Nabad iyo Nolol iyo baraha bulshada oo laga dareemay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---