Caadiyan wadan walba waxa uu leeyahay nidaam Maaliyadeed uu ku kordhiyo dakhligiisa kaasi oo u kala baxa laba nuuc oo tiiba ay yeelaneso furuuc ku qoran Qaanuunka dalka, waxayna kala yihiin.
1. Canshuurta tooska ah (direct tax). taasoo ah midda muwaadinku sida tooska ah u bixiyo waana tan aan u naqaanno canshuurta barriga ee laga qaado kirada guryaha, dhismayaasha iyo canshuur kasta oo uu muwaadinku u bixiyo sida tooska ah ee ku dhacda gacanta dowladda.
2. Canshuurta aan tooska ahayn (indirect tax). waa canshuurta uu sii bixiyo qofka caadiga ah laakiin saaran ama lagu daro shayga uu ugu danbayn iibsado muwaadinku , waxaa bixiya canshuurtaas qof kasta oo wax iibsada waxaana ka sii bixiya qofka keena alaabta ugu horayn, waxayna u kala baxdaa laba nuuc.
A. mid lagu qaado Custom ama goobaha canshuuraha ee wadan walba uu leeyahay sida Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha.
B. mid la qaado marka shayga uu iibsamo oo uu ka baxaayo rugta ganacsiga uuna qaadanaayo macmiilka taasoo wadanba uu u dhigto tiro boqoleey ah oo la saaro kadibna ay dowladdu soo aruursato (Sales tax ama value added tax).
Waxa kale oo la qaadaa (fees) oo dadka loogu adeego waxaana lagu qaadaa Maxkamadaha, Socdaalka, Xafiiskayada dowladda Hoose, sida dhalashada, kaarka Aqoonsiga, Shatiga IWM.
Hadaba wadanka waxaa uu soo maray burburkii kadib in dhamaan howlahaasi oo dhan meesha ay ka baxeen, waxaase si tartiib tartiib ah soo bilaawday in la qaado nuucmaa canshuur oo laga qaado ganacsatada maalinba heer ayey joogtey. Waxaana ay si buuxda nidaamka maaliyadda guud ahaan gaar ahaan canshuuraha ay xoog u dhismeen xiligii dowladii Xasan Shiikh. waxaana si wada xaajood iyo wada shaqayn ay ku jirto lagu soo meel mariyay qaybo badan oo canshuuraha ka mid ah ama kordhinta dakhliga.
Dhacdo Xasuus Mudan.
2013 Muungaab ayaa soo rogay canshuur la mid ah midda hadda taagan oo waxa uu canshuur ka dalbaday gawaarida xamuulka ee ka soo baxa dekedda oo hore ay Wasaarada Maaliyaddu soo canshuurtay, waa la isku afgaran waayey waxaana soo kala dhex galay ganacsatada iyo dowladda hoose Wasaarada Maaliyada oo banaanka dhigatay Duqii Muqdisho.
Xiligaas waxaa aad u dhismay (financial institutions) dowladda oo ah wareegga maamulka lacagtu ay marto sida: halka ay ka timid, meesha iyo waxa ay ku baxday. Waxaana taageerayey Bangiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka oo shaqadoodu tahaya in ay ka taageeraan xagga farsamada iyo tababarka howlwadeennada qaabilsan maamulka lacagta sida Wasaardda Maaliyadda , Xisaabaadka guud iyo Xafiiska hanti dhowrka. waxaa nidaamkas si fiicn u dhameystiray Wasiir Fargeeti
Waxa uu wasiirkasi gaarey in warbixin maaliyadeed oo Bille ah lagu daabaco bogga Wasaaradda Maaliyadda ay ku cadyihiin wax walba oo soo galay iyo waxa ka baxay sanadkii 2016 Janaayo si xiriir ah iyo biloowgii 2017 Maarso taasii aan dhicin ogaanteey burburkii kadib. FG: Ha u fahmin in aaney jirin wax isdaba marin iyo Musuq, laakiin waxay mareen habkii ay ururada caalimiga ah u dagsanaa si loola shaqeeyo sida hadaba ka soo yeertay (IMF).
Sidee U Mari Jirtay Wasaaraddu Canshuur Kordhinta?
Wasaarddu waxay ka baaraan degi jirtey canshuurta la kordhinaayo iyo tan la dhaqan galinaayo xilliga ay suuragal tahay, kadibna waxay kala tashan jirtay ganacsatada oo ay matalaan Rugta Ganacsiga. Habkaas waxyaabihii lagu hirgeliyey wxaa ka mid ah.
1. Canshuurta Barriga, Kirada Guryaha iyo Ganacsiga 3 biloodle u qaado Wasaardda Maaliyadda
2. Canshuurta Berriga dhismayaasha laga qaado Dowladda Hoose
3. Canshuurta joogtada ahna bil kasta laga qaado irid kasta oo ganacsi.
FG. Canshuurahani waxay yimaadeen markii Wasaardda Maaliyaddu dalbatay in la qaado Canshuurta Macaashul Macaashka (income tax). Laakiin in badan ayaa suurtoobi waayey, maadaama adeegyo badan oo dowladda laga rabay aaney jirin waxaana lagu heshiiyey in dib loo dhigo bedelkeedana ay ganacsatadu is xilqaaman oo ay bixiyaan bil waliba lacag go’an oo lagu heshiiyay. Lacagtaas waxay joogsatay intii ololaha doorashada lagu jiray soomana laaban.
ugu danbayn waxaa hadda dalka Soomaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho laga qaadaa Canshuur nuucyo badan waliba lacagaha qaarkood ma waafaqsana Qaanuunka, sida:-
- Waxaa jirta lacag dheeri ah oo laga qaado dadka Viisaha ku soo gala dalka oo ka dheeri ah inta diiwaan gashan.
- Waxaa jirta lacag dheeri ka ah inta la dejiyey oo ku qoran buugga canshuuraha oo laga qaado babuurta taasoo aad moodo in aan la qiimeyn.
Gebagebadii Waxaad Moodaa Hadda In ay Wasaaradu Iska Inta Tireyso Wadaxaajood ay la gasho ganacsatda, Gancsatduna waxay isu heystaan iney dowladda xaq ku leeyihiin oo ay in badan ku taageereen Maalkooda, waxa kale oo jirta iney bixiyaan inta badan adeegyadi laga rabey iney dowladdu bixiso, sida Waxbarshda, Caafimaadka, Biyaha, Korontada, Isgaarsiinta IWM. waxaana ka sii horreeyey in mareetaaeen oo ay doorkii ugu weynaa ka ciyareen Abaarihii ka dhacay dalka. Marka Ganacsatada halala hadlo oo yaan caasi lagu noqon.
WQ. Cabdinasir Xersi Iidle
Mail. naasirx1@gmail.com
Tel. 00252615503978.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com