Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar kulan gaar ah kula yeeshay Amiirka dalkaasi Amiir Sheekh Tamiim .
Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.
Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ka codsaday Amiirka dalka Qadar in dowladiisa gacan ka siiyaan xoojinta amniga , gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo fulinta mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Amiirka dalka Qadar ayaa balan qaaday in dowladiisa ay garab istaageyso Dowlada federaalka Soomaaliya , waxa uuna shaaciyay in Soomaaliya ka fulinayaan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com