Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada oo lagu wareejiyay warbixin ku saabsan tirada Ciidanka Soomaaliya (Sawirro)

Koox katirsan AMISOM oo loo xil saaray in ay qiimeyn ku sameeyaan ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin ku aadan tirada ciidanka dowlada iyo goobaha ay joogaan.

Warbixin ay soo saareen kooxdan katirsan AMISOM oo ka kooban 60-bog ayaa lagu sheegay in ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya ay kor u dhaafayaan 20-kun oo askari kuwaa oo ku kala sugan maamul goboleedyada iyo Muqdisho.

AMISOM warbixinta ay soo gudbisay ayaa lagu sheegay in ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ay xiligan awood u leeyihiin in ciidamada AMISOM kala wareegaan guud ahaan amaanka dalka .

Francisco Madeira oo ah Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya  ayaa warbixinta ay soo aruuriyeen kooxdan katirsan AMISOM oo ka kooban 60-bog ku wareejiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada 20-kun gaaraya ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya ayaa isugu jira ciidamo si toos ah u hoos taga dowlada Federaalka, kuwa ka amar qaata maamul goboleedyada iyo maleeshiyaad dagaal kula jira Al Shabaab.

Warbixinta kooxdan katirsan AMISOM soo saareen ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidankan Soomaalida ah aysan heysan darees isku nuuc ah iyo hub ku filan , balse ay qabaan tababar dhinaca milatariga.

Ciidamada AMISOM ayaa isku diyaarinaya in ay ka baxaan Soomaaliya , waxaana ciidanka Soomaaliya loo diyaarinayaa sidii ay amaanka dalka ugala wareegi lahaayeen ciidanka AMISOM ee dalka isaga baxaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada oo soo saartay Amar ku socda Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya (Akhriso)

Cabdi Cade

Dedaaladii sii deynta Mukhtaar Roobow ee IGAD & Siyaasiyiinta K/Galbeed oo guuldareystay

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo War kasoo saaray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---