Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furay shir looga hadlayo sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada Jubbaland.
Shirkan maanta ka furmay magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka socota dowladda Federaalka,Madaxda maamulka Jubbaland, Taliska AMISOM, Saraakiil katirsan Ciidanka xooga Soomaaliyeed iyo Sarakaiil cadaan ah .
Waxaa lagu wadaa shirkan in uu socdo mudo sadax maalin ah, waxaana la filayaa inta uu socdo shirkan in looga hadlo dar dar galinta dagaalka ka dhan ah Al Shabaab iyo sidii deegaanada Jubbaland looga saari lahaa kooxdaasi.
Madaxweynaha Jubbaland oo hadal ka jeediyay shirkan ayaa sheegay in laga arinsanayo sidii Al Shabaab looga saari lahaa Jubbaland, waxa uuna sheegay Axmed Madoobe in Al Shabaab si deg deg ah looga xureyn doono Deegaanada Jubbaland.
Al Shabaab ayaa gacanta ku heysa guud ahaan gobolka Jubada Dhaxe , waxa ay sidoo kale Al Shabaab maamushaa deegaano badan oo kuyaala gobolada Jubada Hoose iyo Gedo ee maamulka Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com